Muqdisho-Ayaamaha-Xalay waxaa fadhi xasaasi ah ku wadayeeshay magaalada Paris ee caasimadda dalka Fransiiska madaxda afar dal oo Yurub ah kuwaas oo ujeedkeedu ahaa sidii loo soo afjari lahaa xiisadda ka taagan koonfurta dalka Ukrain.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Fransiiska iyo Garmalka ayaa isu keenay madaxda Ruushka iyo Ukrain kuwaas oo dagaal dadban uu ka dhxeeyo, waana markii ugu horreysay muddo saddex sano ah oo ay wada fariistaan madax kala mataleysa labadan dal.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo soo afjari lahaa dagaalka keliya ee ka socda qaaradda Yurub kaas oo galaaftay nolosha 13-kun oo ruun, barakiciyayna 1,5 milyan oo ruux.

Labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Ukrain ayaa ku heshiiyay qodobo ay ka mid yihiin, in xabad-joojin rasmi ah ay dhaqangasho laga bilaabo sannadka cusub ee 2020-ka, in saddex goobood oo furimaha dagaalka laga raro ciidamada, in maxaabiista la is-dhaafsado iyo in lasii wado wadahadalka.

Labadan dal ayaa sannadkii 2016-ka ku kala kacay shir sidaan oo kale ah oo la isugu keenay.

Dagaalka Ukrain ayaa socda ku dhawaad 5 sano, waxaana Ruushku uu kala wareegay jasiiradda Crimea, isagoona fallaago gooni-u-goosad ah ka abuuray koonfurta dalkaasi Ukrain.