BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa  xalay lagu qaaday weerar hoobiyeyaal ah ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin Galbeedka Magaaladaas.

Xalay xilli dambe ayaa waxaa la maqlay dhawaqa hoobiyeyaasha lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti oo ku taalla Suuqa Xoolaha ee Magaalada Beledweyne.

Waxaa weli loo ogeyn khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas oo la sheegay inay gaarayeen ilaa lix hoobiyaal, kuwaas oo dadka Beleweyne qaarkood ay sheegeen inay dareemeen cabsi.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen tiro hoobiyeyaal ah,kuwaas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah,waxaana xigay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  ayaa saakay Xaafado ka tirsan magaaladaas iyo duleekeedka ayaa waxaa ay ka wadaan howlgallo.