Hooyo Soomaaliyeed oo dhimatay iyadoo 6 sano dibad jiif ku ahayd London.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muddo lix sano ah ayay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda Muxyadiin Geelle seexanayeen kursi meel bannaan ah oo ku taalla koonfurta magaalada London, hooyadaas ayaase geeriyootay dhowr maalmood ka hor sababo lagu sheegay dhibaatooyin caafimaad oo kasoo gaaray bannaanka ay jiifanayeen.

Dad badan ayay ka yaabsadeen markii ay go’aan ku gaareen in aysan ka dhaqaaqin meeshaas, iyagoo dhagaha ka fureystay dhammaan yaboohyadii loogu soo bandhigay guryo ay dagi karaan.

Markii ugu horreysay hooyadan iyo wiilkeeda waxay indhaha warbaahinta qabteen iyagoo muddo dibad jiif ahaa.

Sanadkii 2017-kii, qoraaga madaxa bannaan ee lagu magacaabo Tom de Castella ayaa ku baraarugay haweeneydan da’da ah iyo wiilkeeda oo dagganaa kursi ku yaalla afaafka hore ee maktabadda Tooting.