Gobolka Queensland ee dalka Australia ayaa Hooyo Soomaaliyeed maxkamad lagu soo taagay ayada oo loo haysto inay gudniin fircooni ah ku fulisay laba gabar oo ay dhashay.

Sida la sheegay labada gabdhood oo kasoo jeeda gobolkaas in Soomaaliya loo kaxeeyey, kadibna ayaga oo ku cayaaraya dibedda guriga ayeydood la waday laguna soo fuliyey gudniinka furcooniga.

Hooyada dhashay gabdhahan ayaan magaceeda la sheegi karin sababo xagga sharciga ah dartood.

Hooyadan Soomaaliyeed ayaa diiday inay qirato dambiga laba dacwo oo ku saabsan inay canugeeda ka wadday gobolka si loo soo gudo.

Gabdhahan ayaa da’doodu kala tahay 9 iyo 12 jir ayaa Soomaaliya joogay un dhowr maalmood markii gudniinka lagu sameeyey bishii April 2015, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha maamadan dacwada kusoo oogay.

Markii uu howlgalka dhacaayey way ogaayeen in gudniin lagu sameynayo, wayna soo jeedeen  taasi oo xanuun darran ku keentay dhowr maalmood, maxkamadda ayaa sidaas dhageysatay.

Markii ay kusoo laabteen 7 bilood kadib Australia, ayey booliiska u sheegeen in wax lagu sameeyey” ka hor inta dhaqtar uusan xaqiijin in qeybo ka mid ah xubnahooda dumar laga gooyey..