Kismaayo-(Ayaamaha)-Waxaa weli soconaya howl-gallo lagu baacsanaya Malleeshiyada Al-Shabaab oo Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxiibbadooda Caalamka ka fuliyeen Shalay degaanka Yiireey oo 10 KM u jirta Degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay halkaasi ku dileen Lix ka mid ka mid ah Al-Shabaab, halka ay Saddex horjooge oo ay Magacyadooda ku soo gaabiyeen, Cali Waraabe, Timajilic iyo Galley, ay ku soo qabteen Howl-galkaasi.

Dayuuradaha Mareykanka oo howl-galka qeyb ka ahaa ayaa duqeeyey Seddex Gaari oo ay Kooxda Al-Shabaab gurmad ahaan u soo direen, waxaana halkaas ku basbeelay Saanad Ciidan iyo Raggii la socday sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya