Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada hoose ayaaa sheegaya in Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ay hub ka furteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen Degmada Qoryooleey.

War qoraal ah oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA  ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada gacanta ay ku dhigeen noocyo kala duwan oo hub ah kaas oo ay Al-shabaab u isticmaali jireen dadka,waa sida lagu yiri qoraalka.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa mareykanka ayaa 7-dii bishan howgal qorsheysan ku dilay Afar Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab degaanka Gamboole ee Gobolka Shableellada Dhexe.