Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku eedeyay beesha caalamka inaysan jawaab ku filan ka bixin dhowr dalab oo ay u direen, waxaana madaxa howlgalka uu xaqiijiyay dhaqaalo xumo bahsan oo ay wajahayaan.

Francisco Madeira , madaxa howlgalka AMISOM ayaa xusay in beesha caalamka ay ku dhageysatay dalabyo isku xigxiga oo ku qotomey dhaqaalo ay u doonayeen inay siiyaan dad shacab ah kuwaasi oo ay waxyeelo garsiiyeen ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

“Iyada oo aysan jirin dhaqaalo ay beesha Caalamka ku deeqday, waxaa jiray shirar ay qabteen AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku saabsan saameynta arrintaa.” ayuu yiri Madeira.

AMISOM ayaa arrintaa u aqoonsatay xaalad khatar ah, waxaana ay ka dalbadeen Midowga Afrika inay xaaladan siiyaan tixgelin gaar ah sidii xal loogu heli lahaa. Midowga Afrika ayaa ugu  deeqay sannadkii 2018kii 200-kun oo doollar, taaso la siiyay qoysaska dhibaneyaasha, sida uu xaqiijiyay madaxa howlgalka.