Kismaayi-Ayaamaha-Hay’adaha Amniga Maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faah faahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose.

Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

Deegaannada howlgallada laga sameeyey ayaa waxaa kamid aah Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

Afhayeenka ayaa waxaa intaasi kudaray in howlgaladaas guulo kale oo waaweyn laga gaarey,sidoo kalena ay Ciidamada dileen Afar Xubnood oio ka tirsan Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Millateri sida uu hadalka u dhigey.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay u taagan yihiin ka hortagida in falal amniga lidi ku ah ka geystaan Al-Shabaab.