MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha wasiirrada ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiyaha hay’adda batroolka qaranka Soomaaliya u magacaabay Ibraahim Cali Xuseen.

Wasiirrada oo maanta oo Khamiis ah ku shiray Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha batroolka,  waxaana la isla gartay in Soomaaliya ay yeelato hay’adda batroolka.

Ibraahim Cali Xuseen ayaa durbaba loo magacaabay xilkaas. Waxa uuna horay u ahaa la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda gaadiidka.

Dhanka kale Gudiga Kheyraadka Dabiiciga Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa soo Dhaweeyay Magacaabista Golaha Wasiirada ay Magacaabeen Gudoomiyaha ahna Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya Dr:Ibraahim Cali Xuseen.
Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga Baarlamaanka Golaha Shacabka Xildhibaan Yusuf Xuseen Axme (Gamadiid) ayaa soo dhaweyay dhismaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo udirayaa Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed mudane Ibraahim Cali Xuseen iyo xubnaha Guddiga, waxaan sidoo kale bogaadinayaa Wasaaradda Batroolka & Macdanta XFS oo waqtigii sharciga uu asteeyay ku soo dhistay Hay’ada Batroolka Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Gamadiid ah oo ah Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Baarlamaanka


Hay’adda batroolka qaranka Soomaaliya ayaa ah mid cusub,  iyadoo la eegi doono shaqooyinka ay la timaado.