Haweeney ka mid ah dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ayaa waxaa lagu dilay Hotelka Shamow ee Magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah ilaalada Hotelka Shamow ayaa toogasho ku dilay haweenaydan oo lacag ka qaadanaysid Hay’ada WFP.

Hay’adda WFP ayaa la sheegay in dadka danta yar ay maanta lacagta u qeybinaysay, waxaana lacagtaasi loo qeybinayay ku dhawaad 1500 qof oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoona haweenaydaasi ay ka mid aheyd dadka lacagta la siinayay.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa la tilmaamay inuu goobta ka baxsaday, iyadoona intaasi kadib ay dadka lacagta loo qeybinayay ay goobta banaanbax ka dhigeen.