Ilhaan Cumar waa Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay kana tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa wajahday cambaareyn kaga imaaneysa Siyaasiyiin iyo sidoo kale Warbaahinta Yahuuda taageerta.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykana ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay in ay iska casisho Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxa uuna ku eedeeyay in ay ku kacday ficil Yahuud naceyb ah taas oo markii dambe ay raaligelin kabixisay.

Xildhiban Ilhan ayaa dhankeeda si adag uga jawaabtay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, waxa ayna sheegtay Ilhan hadiiba qof isku casilayo naceyb in uu yahay qofkaasi Madaxweyne Maraykanka ee Trump.

Ilhan Cumar waxaa ay sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka noloshiisa ay ka sameesan tahay naceyb, waxa ayna meesha ka saartay codsiga Trump ee ah in ay iska casisho xubinada Congress-ka dalkaa.

Ilhan ayaa Qoraal ay dhawaan ku qortay barta ay Twitterka ku leedahay kala kulantay cambaareyn xoogan kadib markii lagu eedeeyay in ay neceb tahay Yahuuda oo awood badan ku leh Mraeykanka.