MUQDISHO-AYAAMAHA-Mahmoud Dicko, oo ah Imaam, wuxuu hoggaaminayaa mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha ay xaaladda ku xun tahay ee waddanka ku yaalla Galbeedka Afrika, Mali.

Dadka dibadbaxyada sameynaya, oo aan ka cabsaneynin cudurka safmarka ah ee coronavirus, ayaa ol’olahooda ka wada guud ahaan waddanka Mali, iyagoo dalbanaya inuu xilka iska casilo madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta.

Arrimaha ay shacabka ka cabanayaan waxaa ka mid ah musuqmaasuq, adeegga dowladda oo aad u liita iyo wax isdabamarin dhinaca doorashada ah oo horseedday in lagu shubtay codad.

Dhammaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa u midoobay inay ka soo hor jeestaan madaxweynaha, waxayna abaabuleen mudaharaadyo.

Laakiin dadaalkooda waxba kama suurtoobin, mana aysan ku kasbanin dareenka shacabka.

Hase yeeshee Mahmoud Dicko, oo ah imaam ayaa isku duway tobannaan kun oo ruux, kuwaasoo waddanka oo dhan gilgilay, kuna khasbay madaxweyne Keïta iyo golihiisa wasiirrada inay wadaxaajood ku dhawaaqaan.

Dibadbaxyada uu imaamkan hor kacayo dalka Mali lagama arkin muddo tobannaan sano ah.

Wuxuu door muhiim ah ka ciyaarayaa caqabadda uu markan ka gudbi la’yahay madaxweynaha Mali ee ay mucaaradkiisa u maaro waayeen.

Imaamku wuxuu u muuqdaa nin tamar iyo fikrado badan u haya sidii wax looga baddali lahaa habdhaqanka dowladda.

Waddanka Mali ayaa wajahaya dhibaatooyin aad u waaweyn, iyadoo xitaa ay ka howl galaan ku dhawaad 15,000 oo ciidamo shisheeye ah. Waxaa sidoo kale la geeyaa gargaar bani’aadannimo oo aan wali laga dhargin.