Boosaaso-Ayaamaha-Magaaladda boosaao ee Xaruunta Ganacsiga Maamulka Puntland ayaa shalay waxaa ka furmey shirka iskaashiga maamul goboleedyada jubland iyo puntland waxaana shirkaasi looga  hadlay siyaasadda Amniga doorashooyinka iyo arimaha batroolka.

Shirkaan waxaa si wadajir ah u furey Madaxweynayaasha maamuladda Puntland iyo Jubbaland, oo haatan oo u muuqda kuwa sameynaya isbaheysi kasoo horjeeda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliya ayaa qaba in Dowladda Imaaraadka Carabta ay maalgalinayso shirkaas,islamarkaana ay kasoo horjeedo danaha Soomaaliya.

Faarax Cayduruus oo kamid ah qaranka isbedeldoonka oo la hadlay Warbaahim=nta Gudaha ayaa sheegay in dowlada imaaraadku had iyo jeer ay kasoo horjeedaan qaranimda somaaliya isagoo tibaaxey in imaaraadku somaliya ay ka leeyihiin ujeedooyin badan oo ay kamid yihiin in somaliya aysan la dooneyn dowlad madax banaan oo kheyraadkeeda soo saarata.

Faarax Cayduruus ayaa ugu danbeyntii Waxaa uu sheegay in imaaraadku ay qarashaad badan ku bixiyeen sidoo loo burburinlahaa qaranimda Soomaaliya.