Muqdisho-(Ayaamaha)-Madaxweyne Donald Trump waxa uu isbuucii hore qalinka ku duugay Amar Fulin oo muddo hal sanno lagu kordhiyey Xaalladda Degdegga Qaranka Maraykanka ee Somalia, iyadoo Alshabaab loo arko khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah Ammaanka Maraykanka.

Saraakiil u hadashay ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa sheegay in ku dhawaad 7 sano oo hadda dhiman ay ku qaadan doonto ciidamada Mareykanka dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al Shabaab.

Ciiddanka Khaaska ee Hawlgalladda Maraykanka waxay tababar siiyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, si ay awood ugu yeeshaan La-dagaalanak Alshabaab ee dhinaca dhulka.

Ciidamada DANAB oo hadda gaaraya 500 oo askari ayaa la gaarsiin doonaa ku dhawaad 3000 oo askari, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono howlgalka dhanka dhulka oo si wadajir ah ay u sameyn doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykank.

Qoraal uu Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Becky Farmer u direy Telefishinka CNN-ka waxa uu ku sheegay in qorshaha yahay in 2 Kambani lagu dhiso muddo hal sanno ah, oo ay wehliso  in la soo dhamaystiro dhismaha 5 Guuto iyo Xarumahooda dhexe

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka ayaa u muuqata inay culayska saarayso  wax-ka-qabashadda Ammaanka Somalia, kadib, markii 18 Askar Maraykanka lagu dilay dagaal ka dhacay magaalladda Muqdishobishi October 3-dii ee sannadkii 1993-dii, iyadoo dagaalkaasi lagu soo riday Diyaarado Helikopter ee nooca Black Hawk”.