Muqdisho-Ayaamaha-Ugu yaraan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qarax gaari loo adeegsaday oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska mashquulka badan ee Ex Control.

Agaasimaha Isbitaalka Madiino oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Isbitaalka lasoo gaarsiiyay 73 ruux.

Sidookale Agaasimaha isbitaal madiina ayaa sheegay in dhaawacana uu yahay 52.

Dhanka kale Ciidanka Amniga dowladda gaar ahaan Booliska ayaa lasheegay inay  ku dhinteen ku dhowaad 17 askari.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin khasaaraha ka dhashay weerarkaan ismiidaamiinta ahaa, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca uu aad u badan yahay .