Colombo-(Ayaamaha)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadii xooganaa ee saakay lagu weeraray hoteelo iyo Kaniisado kuyaala magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri Lanka.

Tirada dadka ku dhintay qaraxada lagu weeraray Hoteelada iyo kaniisadaha kuyaala magaalada Colombo ayaa hada kor u dhaaftay 150-qof, waxaa sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxyadan ka badan yihiin 500-oo qof.

Sawirro la soo dhigay Baraha Bulsahda ayaa la arkayey dhiig farabadan oo daadsan mid ka mid ah Kaniisadaha la weeraray,waxaana la rumeysan yahay in dadka wax ku noqday qaraxyadaas ay ku jiraan dalxiisayaal shisheeye.

Madaxweynaha Sri lank Maithripala Sirisena ayaa shacabka dalkaasi ka codsaday inay isdajiyaan, isaga oo sheegay in ciidamada amaanka ay dadaal badan wadaan.

Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah, iyada oo ay horay u jirtay inay rabshado dhexmareen Muslimiinta iyo dad aaminsan diinta  Buudiistaha oo dadka qaar ay aaminsan yihiin.