Muqdisho-Ayaamaha-Booliiska magaaladda Moscow ayaa xiray in ka badan 1,000 qof oo ka qayb galay banaan bax demoqaraadiyad doon ah. Dadka la xiray ayaa ah kuwii ugu badnaa ee sanadkaan la xiro.

Dadka ayaa waxaa ay ka mudaharaadayeen in musharixiintii mucaaradka laga reebay doorashooyinkii dowladaha hoose, mucaaradkuna waxay sheegeen in looga reebay arrimo siyaasadeed.

Qaar ka mid ah musharixiinta loo diiday in ay k qayb galaan doorashadda dhici doonta 8da September ayaa xabsig la dhigay.

Masuuliyiinta doorashadda ayaa sheegay in 30 qof ay ku guul dareysteen in ay helaan sixiix ku filan si ay doorashadda ugu istaagaan.

Dadka Banaan baxa soo abaabulay ayaa cambaareeyay Talaabadda lagu xiray dadka democratic-doonka ah.