MUQDISHO-AYAAMAHAA-Odowaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Warbaahinta la hadlay waxa uu faah-faahiyay howlgalada Askarta Dowladda Soomaaliya ay wadaan iyo isbadalada ka dhashay ee muuqda.

Ciidamada Dowladda ayuu taliyaha sheegay in muddo sanad ah lagu weeraray 16- Gaadiid qaraxyo lagu soo raray, sababta waxa uu ku sifeeyay in ay kaga hortagayeen waxyeelo gaarto dadka shacabka ah.

Odowaa ayaa tilmaamay in waxyaabaha keenay in aan qaraxyo ka dhicin goobaha ay isugu tagaan rayidka ay sababteeda leeyihiin Askarta Dowladda ee xiran dharka kuna sugan saldhigyada iyo deegaannada lagu weerarayo.

Ciidamada xoogga dalka iyo saraakiishoodaba waxa uu ku bogaadiyay in ay sii wadaan howlaha horyaalla oo ay naftooda ku weyn karaan, balse tilmaamay in ay ku badbaadayaan dadka shacabka.

Waxa uu ballanqaaday in ay sii laba laabi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka socdaan Gobolada dalka, lana diyaariyay ciidamadii fulin lahaa howlgalkaas sida uu hadalka u dhigay.

Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda waxaa dhowr jeer weeraray Al-Shabaab, waxa ay dagaalkooda ku bilaabaan gawaari walxaha qarxa ay kusoo raraan, kadibna waxaa si toos ah u dagaalamaya Askarta Dowladda iyo Shabaab.