Is bedel saameyn doono Fahad Yaaasiin iyo Jen. Xijaar oo la qorsheyano.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa soo baxaya warar ku saabsan inuu jiro is bedel qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka dowladda, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ilo wareedyo ay sheegayaan in loo soo wado Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Xijaar ayaa wararku sheegayaan in lagu qanciyay inuu doonto Senetar Aqalka Sare. Sidoo kale Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa isna wararku sheegayaan inuu xilka baneynayo, si uu isna u doonto Xildhibaan Golaha Shacabka, gaar ahaan Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo muddo damac ugu jiray inuu qaato.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegayaa in sababaha uu kursiga Xildhibaan ee Golaha Shacabka u rabo ay tahay inuu helo xasaanad afarta sano ee soo socoto, waxaana wararku ay sheegayaan in isaga iyo Xildhibaan Cabdiqaadir uu tartan adag uu dhexmari doono.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa horeywaxay u codsadeen in la bedelayo taliyaasha ciidanka gaar ahaan Fahad Yaasiin, hase yeesha dalabkaas laga biyo diiday.

Doorashada Soomaaliya 2020-2021 ayaa la saadaalinayaa inay noqonayso doorashadii ug adkeyd ee soo marta dalka, waxaana la sugayaa cida kusoo bixi doonta