Kismayo-Ayaamaha-Waxaa wali rasaas ka socota Hoteelka Cascaseesey ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Inta la xaqiijiyey Ku dhawaad 10 ruux ayaa ayaa ku dhintay Qaraxa iyo Weerarka lagu qaaday Hoteelka, waxaana wali dagaal ka socdaa Gudaha Hoteelka.

Ciddamada Dowladda iyo kuwa ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Maamulka Jubbaland ayaa wali war kasoo saarin Qaraxyadda iyo weerarka lagu qaaday Hoteelka.

Wixii kusoo kordho halkaan kala soco.