Dhuusamareeb-Ayaamaha-Magaalada Dhuuso mareeb ee xaruunta Maamul Goboleedka Gamudug ayaa maanta waxaa Isbaheysi ku sameystay Seddex murashax oo Madaxweynaha galmudug utaagan.

Sedexdaan Musharax oo kala ah C/raxmaan Xuseen Odawaa,C/llaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Guutaale waxay ku ballameen in kii Cod badiyaa kuwa kale ugu shubaan.

Sedexdaab Isbahaysi ayaa kulan gaar ah waxaa ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb waxayna isku raaceen inay Doorashadaasi isku taageeraan.

Waa dhabar jebin lala rabo Murashaxa Xukuumada Soomaaliya wadato Ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo ay umuuqato in lala gedin rabo Doorashada.

Dawlada ayaa dhaqaale badan ku bixineysa sidii qoor qoor loo soo dooran lahaa,iyadoo Xildhibaanada Lacag badan lasiinayo si ay codkooda Kaariye usiiyaan