MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah taariikhduna ay tahay 5-ta Bisha Luulyo, waxaa lagu waday inuu furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay yeelan lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Weli ma jiro Madaxweyne maamul Goboleed oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo Shirka, waxaana xusid mudan in Shirkaas ay horey u qaadaceen Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo Dowladda Federaalka u jeediyay eedeeymo kala duwan oo ku aadan Arrimaha Siyaasadda dalka.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo si mideysan u mucaaradsan Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxaa ay si cad u sheegeen inaysan ka qeyb-galeyn shirka ,kadib kulamo ay si gooni gooni ah u yeesheen Baarlamaanka Jubbaland iyo Baarlamaanka Puntland.

Labada Maamul ayaa waxaa ay tabasho ka muujiyeen Madaxda Dowladda gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo ay sheegeen in uusan fulin balantii uu kula galay shirkii dhanka Internet-ka ah oo ay la yeesheen taas oo ku saabsaneyd in la joojiyo Xeerarka doorashada oo ay Baarlamaanka ansixiyeen.

Shirka ayaa mudeysnaa in uu furmo 5-ta Bisha oo Maanta ku beegsan,isla markaana uu socdo ilaa 8-da, hayeeshee uusan jirin hal Maamul Goboleed oo madaxdiisa ay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay shiraasi uga qeyb-galaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweyne Farmaajo uu shir ku casuumay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse shirarkaasi ay diideen ka qeyb-galkiisa Puntland iyo Jubaland qaadaceen.

Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dib u dhaca ku yimid shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo iyo qorshaha xiga oo ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya maadaama shirkaasi looga hadli lahaa arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin Amniga iyo doorashooyinka.