Isbedel lagu sameeyey liiska tartamayaasha Aqalka Sare ee HirShabeelle.

Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.
Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.
MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa isbedel lagu sameeyey liiska musharaxiinta maanta ku tartamilaa doorashada aqalka sare ee HirShabeelle taas oo markii hore loo qorsheeyey inay kutartamaan ilaa seddex musharax.
War hada soobaxay ayaa sheegaya in liiska usharaxiinta doorashada laga dhigay keliya hal kursi oo ka tirsan Aqalka Sare, kursigan ayaa ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag waxaana ku tartamaya saddex Musharax oo kala ah:
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo Kursiga ku fadhiyay waxaa kula tartamaya Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Raage Xasan Xuuti.
Waxaa sidoo kale dib loo dhigay labo kursi kale oo maanta lagu waday inay doorashadooda ka dhacdo magaalada Jowhar ee caasimada HirShabeelle kuwaas oo ku tartami lahaa 1:Musharax Xasan Iidow Muxumed
2:Musharax Cabdinuur Ibraahim nuur
3 :Musharax Cismaan Axmed Macow.
iyo sidookale 1: Musharax Cali Shacbaan Ibraahim
2: Musharax Caballe Xuseen Cabdi
3: Musharax Caasho Xuseen Abuukar
4: Musharax Cabdulahi tawaad
5: Musharax Cabdiqaadir Xanafi