Isfaham hordhac ah oo laga gaaray khilaafkii Maamulka Puntland & PSF

GAROOWE-AYAAMAHA-Waxaa lagu wadaa in dhawaan la shaaciyo xal laga gaaray khilaafkii gacan ka hadalka sababay ee u dhaxeeyay Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii Hay’adda PSF ee xilka qaadista lagu sameeyay balse diiday ee Maxamuud Cismaan Diyaano.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xalinta khilaafkaas oo ay wadaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole & Gaas & Isimada Puntland intooda badan la soo geba-gabeeyay, isla markaana waxyaabo dhanka farsamada kaliya ah ay ka harsan yihiin.

Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo mas’uuliyiintii hore ee Puntland ee Boosaaso jooga ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee xalka gaarista khilaafka si Bulshada kunool Magaalada Boosaaso ay Nabad ugu noolaadaan.

Isimada Puntland ayaa horay ugu guuldareystay inay xal ka gaaraan khilaafka Xukuumadda Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada PSF taas oo keentay in dagaal socday dhowr maalmood uu ka dhaco Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.