MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga waxbarashada ee dugsiyada dawladda ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay xidhiidhkii wada shaqaynta ay u jareen, hay’adda booliska magaalada.

Guddoomiyaha gudiga waxbarashada Minneapolis Siyaad Cali, ayaa VOA-da u sheegay inay booliska ka joojiyeen lacag laba million oo dollar ah oo ay sanadkii siin jireen.

Siyaad Cali ayaa sheegay inay talaabadaasi qaadeen kadib markii ay soo noqnoqdeen eedaymaha xadgudubka la xidhiidha ee ay booliska kula kacayaan muwaadiniinta Maraykanka.

Booliska ayaa iskuulada ka caawin jiray nabad gelyada iskuulada, iskuulada ayaana bixin jiray dhaqaalo ay ku caawin jireen Booloska.

Sababta maamulada iskuulada ay wada shaqeynta u joojiyeen ayaa ah carro ka dhalatay dilkii George Floyd.

Arrinta ayaa ka dambeysay kadib dilkii ninkii madowga ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka maraykan.