MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in ujeedada Masar ay ku dooneyso biyaha Wabiga Nile iney keligeed isticmaasho in ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada seddex geesoodka ee socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gaduu Andargachew oo qabtay shir jaraa’id oo ku saabsan wadahadallada seddex geesoosdka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan oo maalintiisi Shanaad socda ayaa sheegay mowqifka Masar ay ku adkeysaneyso ee ah in siday iyadu rabto oo keli ah la yeelo taas oo wadahadalka caqabad ku ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in Masar ay ku adkeysaneyso sida caadadaba u ahayd labadi mowqif oo lagu yaqiinnay.

“Masar – lugna wadahadalka seddex geesoodka ayey kula jirtaa lugna waxay saaratay golaha aammaanka ee qaramada midoobay,” ayuu yiri.

Masaaridu marweliba waxay doonayaan in la siiyo wixii ay jecel yihiin balse iyagu marnaba diyaar uma ah iney cid kale wax siiyaan.

Waxaa cirka isku sii shareeraya muranka u dhaxeeya xukuumadaha Addis Ababa iyo Qaahira ee salka ku haya biya-xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso galbeedka dalkaasi.

Dowladda Masar waxay beenisaa in ay iyada dooneyso in heshiiska waxa uu noqonayo ay maamusho, waxayna ku doodeysaa in ujeedadooda ay tahay in ay xaqiijiyaan in beerahooda ku tiirsan wobiga Nile aysan biyo la’aan noqon.

“Masar waxay weli ku adkeysaneysaa Mowqifkeedi ahaa inta khilaafka heshiis buuxda laga gaarayo ineysan Itoobiya billaabin carra tuurka keydinaya biyaha iyo biyo-xireenka ay dhiseyso uu u baahan yahay,” ayuu yiri Mr Gadduu.

“Itoobiya waxay aaminsan tahay iney Wabiga Nile ee ka soo billowda dalkeeda ay iyadu leedahay xalkuna ay iyadu go’aamineyso, Masar na, maadaamaa ay arrintaas u cuntami la’dahay darteed in ay wadahadalka qayb uga tahay, balse Itoobiya waxay aaminsan tahay in waxweliba wadahadal lagu dhammeyn karo”, ayuu yiri.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya wuxuu sheegay nabadda iyo horumarka Itoobiya iney shacabka Masar waxba ka faa’ideyn, balse dowladaha isku bedbeddalay Masar waxaan arkeynaa iyada oo ay arrintaasi u cuntami la’dahay oo ay marweliba doonayaan waddan kale waxa uu xaq u leeyahay iney qaataan iyagu ay waddamada kale waxba u oggolaan.

BBC