Itoobiya Oo Codsatay Marti-Gelinta Laba Shirweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wareysi uu bixiyey Danjiraha Ethiopia u joogta Raashiya, Alemayehu Tegenu ayaa Warbaahinta Sputnik u sheegay inay doonayaan inay marti-geliyaan Shirweynaha 2-aad ee dalalka Afrika iyo Raashiya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Ra’isul-wasaare  Abiy Ahmed uu horey Casuumaadaasi kaga dhawaaqay Shirweynihii 1-aad ee Afrika iyo Raahiya oo bishii October ee sanadkii 2019-kii lagu qabtay magaalladda loo dalxiis tago ee Sooji ee dalka Raashiya.

Abiy Ahmed oo Kulankaasi hore ka qeyb galay waxay uu Ergooyinka ku casuumay in Shirka soo socdo lagu qabto Addis Abeba sanadka soo socda ee 2022-ka.

Shirweynihii Koowaad ee ka dhacay Rashiya waxaa ka qeyb galay  6,000 oo Ergo oo ka kala socday 104-Waddan, oo ay ku jireen Hogagamiyayaal ka kala socday in ka badan 40 Waddan oo Afrikaan ah.