Xafalad kadhacday Jigjiga ayaa Heshiis kukala saxiixdeen Jabhada ONF iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ahaa in dagaalyahanada Jabhada lagu sameeyo hub ka dhigis, taasi oo guul la taaban karo u ah Guud ahaan Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Soomaalida.

ONLF ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1984, waxaana uu dagaal nuucyo badan ay lagaleen Itoobiya oo ay ku sheegeen xiligaasi in ay dhul Soomaaliyeed ay xoog ku heystaan.

Dhanka kale Itoobiya waxa ay u aqoonsaneed ONF Jabhad argagaixiso ah ilaamaa uu Abiy Axmed ka qaaday shaabadii argagixisinimo, waxaana baarlamaanka Itoobiya ay 5 tii bishii Julaay ee sanadkii tagay ay liiska argagaxisada ka saareen ONLF.

Intaasi kadib waxaa bilaawday wax loo arkay isbadal siyaasadeed oo dhanka dowlad deeganka somalida ay gaartay , waxaana Jigjiga ku laabtay saraakiil iyo ciidamo badan katirsan ONLF.

Gabagabadii waxa saraakiisha u sareysa ONLF iyo madaxa dowlad deegaanka ku wada heshiiyeen in ciidamada Jabhada ONLF laga dhigo hubka laguna xareeyo xirooyin si loo siiyo tababar inta danaynayso.