Muqdisho-Ayaamaha-Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu dowladda Jabuuti ku taageeri doono ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya.

War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya aysan ku jirin.

Kenya ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga noqonaya 15-ka dal ee Golaha Ammaanka.

Codeyntii midowga Afrika ee Cidda Kursigaasi ku mataleysa Afrika ayaa waxaa ku guuleysatay dowladda Kenya, laakiin Jabuuti waxa ay sheegtay in dalalka kale ee Carabta ay taageero ka raadsan doonto.

Waddamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 57 Dowladood, waxaana hadii Codkooda ay siiyaan ay ka guuleysan kartaa Jabuuti dowladda Kenya.

Waddamada Mareykanka, China, Japan iyo kuwo kale ayaa sidoo kale taageeraya dowladda Jabuuti maaddaama ay saldhig Milatari ku leeyihiin.