Muqdisho-Ayaamaha-War qoraal ah oo kasoo baxay hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa Maanta waxaa lagu soo saareen jadwalka doorashada Madaweynaha galmudug iyo kuxigeenkiisa,xilli ay horey jawal u soo saareen guddiga doorashada Maamulka Galmudug.

Hoggaanka ayaa waxaa ay qaadaceen guddiga Jadwalka doorasho oo ay horey u soo saareen Guddiga doorashada Galmudug, iyaga oo sheegay in Xubnaha guddiga doorashoyinka la afduubtey.

Ahlusunna ayaa waxaa ay sheegeen in 23-ka bishaan oo beri ah ay bilaaban doonto diiwan gelinta msharxiiinta Madaxweynaha & kuxigeenkiisa halka khudbadaha musharixiinta la dhageysan doono 29 ilaa 30 Bishaan,sidoo kale dorashada Madaxweynaha & kuxigeenkiisa la qaban doono 5-ta Bisha Febaraayo ee sanadkan 2020.

Hoos ka aqriso qoraalka Ahlu-sunna soo saartay.