Muqdisho-Ayaamaha-Jalmad dhif iyo naadir ah oo shiinaha laga heley ayaa lagu kala iibsaday lacag dhan £1m milyan pound-ka Ingiriiska ah kadib markii lagu soo bandhigay naado.

Dadka iibinayay ayaa markii hore ku qiimeeyay kun pound oo kaliya, balse waxaa lagu iibsaday hal milyan muddo 10 daqiiqo gudahood ah.

Jalmaddan yaa waxaa la sheegay in uu leeyahay astaamo muujinaya in uu leeyahay boqorkii Shiinaha xukumi jirey intii u dhaxaysay 1736-dii llaa 1795-tii, magaciisu ahaa Qianlong.