MUQDISHO-AYAAMAHA-Beesha Habar-gidir ayaa la sheegay in ay gaari aan xabada iyo qaraxyadu karin ku wareejiyeen Janaraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab, oo laba jeer ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday.

Gaariga ayaa la sheegay in uusan aheyn hanti dowladeed balse ay si shaqsi ah ugu soo iibiyeen ehelkiisa, si ay ugu dadaalaan bad qabkiisa maadaama uu halis ugu jiro weeraro ku socda.

Ehalada Cali Gaab ayaa inoo sheegay in gaari Baruuf ah looga dalbay dowladda balse ay noqotay mid aan mira dhalin taasina ay sababtay in beeshiisa ay si deg deg ah ugu soo iibiyaan gaari aan xabadda karin.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in isbadal lagu sameyn doono ilaalada Cali Gaab maadaama inta ugu badan ay dhaawacyo qabaan.

Waxaa weli si rasmi ah looma ogeyn cida beegsaneysa Cali Gaab laakiin waxaa la aaminsan yahay in aysan aheyn Al-Shabaab oo kaliya oo cadow kale uu jiro si gaar ah u beegsanaya.

Generaal Cali Gaab ayaa toban maalmood gudahood laba jeer ka bad-baaday qarayxo lagu dili lahaa, waxaana jira shaki ku saabsan in dad isaga ku dhow oo wax ka og dhaq-dhaqaaqiisa ay bixinayaan xogtiisa.

Genaraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab, waxa uu ku jiraa saraakiisha fara ku tiriska ah ee ka haray ciidamadii hore ee Soomaaliya, sidoo kale waa nin shaqo oo qeybo badan oo booliska Soomaaliya ah ka soo shaqeeyay.