Garowe-Ayaamaha-Janeraal Muxudiin Axmed Muuse Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay in ammaanka deegaannada kala duwan ee Maamulkaas aad loo adkeeyey,isla markaana Puntland ay ilaalineyso xaduudaheeda.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo geyneyso qeybo kamid ah gobolka Mudug,waxaana uu sheegay inay iska difaacayaan.

“Xaqiiqdii hadii Dowladdu keento Ciidanka Haramcad anagana waxaan u diyaarinayaa Ciidanka Shabeelka oo iska difaacaya,waxaana ay Ciidanku diyaar u yihiin difaaca dhulka,waxaana ugu baaqayaa Shacabka inay Ciidamada la Shaqeeyaan ayuu yiri”Taliyaha.

Guddoomiyihi hore ee Gobolka Mudug Puntland ayaa goor sii  horeysay waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay Ciidamo geyso deegaano ka tirsan gobolka Mudug,hayeeshee Puntland ay u diyaarsan tahay iskana difaaci doonto.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay horay u geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland,iyaga oo Ciidamadaas howlgallo kala duwan ka wadaan degmooyinka Gobolkaas.