Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kawar bixiyey ciidamo la sheegay inay ka tirsan Booliska soomaaliya oo Muqdisho ku dilay dad shacab ah maalmihii ugu danbeeyay.

Madaxa qeybta canshuuraha ee Booliska Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa’id ka sheegay Magaaladaani Muqdisho inay gacanta ay kuhayaan askar falal dil ah ka geysatay magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbiyey xabsi, ayadoona dhowaan lasoo taagi doono maxkamada ciidamada.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin caddeynayaa inaan gacanta kusoo dhignay intii ugu badneyd askar dilal kala duwan geystay” ayuu yiri Bariise.

hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkii hore askar ka tirsan ciidamada booliska ay siyaabo kala duwan ugu dileen Muqdisho dad shacab ah oo ay ku jiraan rag darawalo ka ahaa mootooyinka bajaajka.