MUQDISHO-AYAAMAHA-Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo dhulka la galiyay ayaa ka dhacay Xaafadda Afisiyooni oo ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in Qaraxa lala eegtay Gaari uu la socday Jeneraal Cali Xersi Barre Cali Gaab oo ah Ku simaha Taliyaha hoggaanka Caafimaadka Ciidamada Booliska Somaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay Laba Ruux oo shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Waa Markii Labaad ee Jeneraal Cali Xersi Barre Cali Gaab oo ah Ku simaha Taliyaha hoggaanka Caafimaadka Ciidamada Booliska Somaliya lagu Qarxiyo Magaaladda Muqdisho.