Jeneraal Xuud oo shaaciyey sababta uu Muqdisho u yimid.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo ah hoggaamiyaha kacdoonka Jabhadda Hiiraan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay diyaarad kasoo qaaday Magaalada Baladweyne, taasi oo keentay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Jeneraal Xuud oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Jeneraal Xuud uu u yimid Muqdisho ayaa waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadli doonaa Arrimo la xiriira Hirshabeelle.

Generaal oo markuu Muqdisho yimid uu warbaahinta ka hadal ayaa waxaa uu sheegay inuu raadinayo inay nabad ka dhalato Beledeweyne, sidookalena uu xaq ka maqaran reer Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

Arrintaan heshiiska lala gelayo generaal xuud ayaa waxay suurtagelinkartaa in Madaxweynaha HirShabeele Cali Guudlaawe oo muddo loo diidanaa inuu tago Beledweyne ay markan suurtagal noqonkarto inuu tago Beledweyne.