KISMAAYO-AYAAMAHA-Jubaland ayaa taageertay qoraalkii kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ee lagu sheegay in xeerka doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka uusan ahayn kii saxda ahaa ee lagu heshiiyey.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay qoraalkii Guddoomiyaha Aqalka uu ku sheegay in waxka bedel lagu sameeyay Xeerarkii labada Aqal ay usoo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka doorashooyinka oo ay ka doodayaan Baarlamaanka.

“Qaraarka ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare waxa uu ka turjumayaa arrimo masiiri ah oo saameeyn ku leh Dowlad Goboleedyada ee uu Aqalka Sare wakiilka ka yahay, sidaas darteed, Dowlad Goboleedka Jubaland waxay soo dhoweyneysaa qaraarka maanta uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ee tix-raaciisu ahaa XG/428/B-10/20,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubaland.

Jubbaland waxaa ay sheegtay inaysan aqbali dornin doorasho ku yimaada Xeerarka ay ansixiyeen Golaha Shacabka,iyada oo aan wax wadatashi ah laga yeelan,waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka loogu baaqay inay hakiyaan dooda Xeerarka inta uu ka qabsoomayo Shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qalalaaso siyaasadeed  iyo dib u dhac weyn ay ka shalay karto habraac doorasho ee heer federaal ee aan wadatashi siyaasadeed laga yeelan oo ay qeyb ka yihiin Dowlad Goboleedyada.

HOOS KA AQRISO QORAALKA JUBBALAND.