Jubbaland oo qorsheynaysa inay billawdo qabashada doorashada golaha shacabka

Doorashada golaha shacabka
Doorashada golaha shacabka

KISMAAYO-AYAAMAHA-Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay kaga hadlayaan arrimo kale duwan.

Shirka ayaa todobaadkaan ka duwan todobaadyadii hore, waxaana Maanta looga hadlayaa hanaanka loo bilaabayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu hayo diyaarinta liiska kuraasta xubnaha golaha shacabka ee ka soo baxaya Maamulka Jubbaland ee lagu dooran doono Magaaladada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa ka duwan Maamulada kale, waxaana kaliya uu Maamulayaa qeyb kamid ah dooraahada Xildhibaannada Golaha Shacabka halka qeybta kale ee ka dhaceysa doorashadooda degmada Garbahaareey ay Maamulayaan Maamulka Gedo oo ay Magacaawday dowladda Soomaaliya.

Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa bilaabay doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, taas oo durba qeylo ka timid halka Maamulada kale ee Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Puntland ay kujiraan diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland