Jubbaland oo shaacisay doorashada 13 kamid Golaha Shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka SEIT ee Jubaland ayaa shaaciyay 13 kursi oo dhawaan doorashadooda la qabanayo, iyadoo maamul Goboleedyada intooda badan ay shaaciyeen qaar ka mid ah Kurasta Golaha sahcabka.

Kuraastaan ayaa qaarkood doorashadoodu waxaa ay tahay mid adag halka kuwo kale aan loo geli doonin tartan adag, waxaana badi ku fadhiya Xildhibaano 8-dii sano ee la soo dhaafay kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka.