Jubbaland oo sheegtay in DFS siyaasadeysay lacag loo qoondeeyay gurmadka Abaaraha

KISMAAYO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in lacag hal Milyan oo Dollar ah oo Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble u qoondeeysay gurmadka abaaraha la siyaasadeeyay.

Waxaa uu sheegay in lacagtaas kaliya Maamulka Jubbaland laga soo gaarsiiyay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo dollar la soo diray, isaga oo sheegay in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsado saxiibtinimo ama xil Wasiir.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed wuxuu sheegay in deeq kasta oo ka timaada Caalamka ay aheyd in dowladda federaalka & dowlad Goboleedyada ay ka tashadaan sida loo qeybinayo, balse taasi ay meesha ka baxday oo dad gaar ah ay jeebka ku shubteen.

Ugu dambeyn wasiirka waxaa uu sheegay in cabashadooda Madaxweynaha Jubbaland uu u gudbiyay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, ayna rajeeynayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalo in si siman oo wadatashi ah loo qeybiyo deeqaha Caalamka uga yimaado Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gargaarka Maamulka Jubbaland ayaa kusoo beegmay xilli dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka Dowladdii uu hoggaaminayay Mafaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Maamulka Jubbaland..