Muqdisho-Ayaamaha-Maamulka dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashooyinki barlamaanka ee Jubaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa si kulul uga hadlay warkii xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadanaa habraaca doorasha kale oo dowladu ka qabaneyso maamulkaasi.

Wasiirka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in maalin walba ay ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la magacaabo guddi farsamo oo loo dhan yahay kana shaqeeyn doonaa soo xulidda xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintaasi ay qaadi doonto dowladda dhexe.

Dowladda federaalka ayaa ka hortimid doorashadaas oo 22-kii bishii hore ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.