Kismaayo-Ayaamaha-Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay Kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Kismaayo ku dhaawacay Mid ka mid ah waxgaradka sidda weyn looga yaqaano degaanada maamulka Jubbaland.

Rag hubeysan ayaa xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku dhaawacay Guddoomiyihii Isbedel doonka Jubbaland,kaasi oo la toogtay xili uu kusii jeeday Masjid ku yaalla halkaas.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Jubbaland ay waddaan dadaallo lagu doonaayo in gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay dhaawaca loo geystay Nabadoonka.

Afhayeenka ayaa sidookale waxaa uu sheegay in Axmed xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan,isla markaana Ciidanka amniga Jubbaland ay ku raadjoogaan ragii ka dambeeyay falkii lagu dhaawacay.

Axmed Jaamac Qalyar ayaa  ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland, waxaana uu sidoo kale ka mid ahaa Waxgaradka sidda weyn uga soo horjeediyay Madaxweynaha Jubbaland.