Muqdisho-Ayaamaha-Cilmi baaristaan oo heerar kala duwan leh laguna daabacay wargeyska Daily Mail ayaa waxaa sameeyay Travel Risk Map.

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamadda ugu khatarta badan aduunka sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Qiimeynta ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday dhanka wadooyinka, ammaanka iyo arrimaha halista ah ee dhinaca caafimaadka.

Guinea, Sierra Leone, Liberia, Yemen iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxaa lagu qeexay wadamada ugu khatarta badan dhinaca caafimaadka.

Soomaaliya, Afghanistan, Syria, Yemen, Iraq si lamid ah qaybo kamdi ah Nigeria ayaa lagu sifeeyay kuwa ugu halista badan ammaanka.

Sidoo kale, dhanka badqabka wadooyinka ayaa wadamada ugu halista badan waxaa lagu sheegay Belize, Dominican Republic iyo Saudi Arabia.

Ugu dambeyntii, cilmi baareyaasha ayaa waxay dalalka; Finland, Norway iyo Iceland ay yihiin kuwa ugu ammaanka wanaagsan guud ahaan caalamka.