Muqdisho-(Ayaamaha)-Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in rasmi ah uu u furmo,kadib markii muddoyinkii Xildhibaanada ay fasax ku jireen.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu furo Kalfadhiga 5aad waxaana ka qayb-galaya mas’uuliyiin Baarlamaan oo ka socda maamul Gobaleedyada Soomaaliya kuwaas oo lagu marti qaaday Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.
Madax ka socota Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ka jira, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya xafladda furitaanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa fasax galay bishii Janaayo ee Sanadkan 2019,kadib markii uu xiray Kal-fadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka,waxaana intii ay fasaxa ku jireen la dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana la xiray inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa la baarayaa gaadiidka isticmaalaya wadooyinka furan si ka duwan sidii hore.