MUQDISHO-AYAAMAHA-Saaynisyahanno ayaa bilalabilaabay iney bukaannada isbitaallada ku jira uu soo ritay coronavirus ku tijaabiyaan dawada Ibuorofen iney wax u tarayo iyo inkale.

Koox saaynisyhanna ah oo ka kala socda isbitaalka St Thomas iyo Kings College ayaa sheegay iney aaminsan yihiin dawadan in lagu daweyn karo dhibaatooyinka dhinaca neefsiga ee ka dhasha Covid-19.

Saaynisyahannadu waxay sheegeen iney rajeeynayaan dawadan qiimaheedu aadka u yar yahay haddii tijaabadeeda lagu guuleysto ay bukaannada kaga maarmi karaan qalabka Ventilatorka ee neefsiga ka caawiyo.

Tijaabada ay sameeyeen saynisyhannadana waxay sheegeen bukaannada in dawada Ibuprofen loo raaciyo dawooyinka caadiga ee la siin jiray.

Tijaabada ayaa adeegsaneysa qaab gaar ah oo Ibuprofen kaniin ahaan looga isticmaali karo si mustaqbalka ay dadku ugu helaan qiima jaban oo ay ku iibsan karaan.

Dadka qaar ayaa dawadan horay ugu isticmaali jiray xanuunnada ama xaaladaha ay ka midka yihiin kala gooysyada jirka ku dhaca.

Tijaabada dawadan oo xayawaannada lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in lagu daweyn karo xanuunnada neefsiga qofka la soo derso oo inta badan uu keeno cudurka Coronavirus.