MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda ugu sareysa dalka Turkiga ayaa maanta lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto in dhismaha Hagia Sophia ee ku yaal magaalada Istanbul loo rogi karo masaajid iyo in kale.

Dhismahaasi oo la dhisay qarnigii lixaad ayaa waxaa uu ahaa Kaniisadda ugu weyn adduunka muddo ku dhow kun sano.

Dhismahaasi oo hadda ah xarun ay aqoonsan tahay hay’adda Qaramada Midoobey ee UNESCO waxaa loo beddelay Masaajid sanadkii 1453 xilligaasi oo magaalada Istanbul ay qabsatay boqortooyadii Cusmaaniyiintu, balse waxaa matxaf loo badalay sanadkii 1930-meeyadii.

Haddii maanta ay maxkamaddu ogolaato waxaa uu dhismahaasi mar kale noqon karaa Masaajid.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa intii lagu jiray ololaha doorashadii sanadkii hore ku baaqay in dhismahaasi loo badalo Masaajid.

Arrintaasi ayay ahayd mid kooxaha Islaamiyiinta dalkaasi ay in muddo ah ku taamayeen, haseyeeshee xubnaha mucaaradka ee cilmaaniyiinta ahi ayaa tallaabadaasi ka soo horjeestay. Hindisaha ah in dhismahaasi Masaajid loo badalo ayaa waxaa ka dhashay dhaleeceyn caalami ah, oo ka timid hoggaamiyeyaasha diimaha iyo kuwa siyaasadda ee adduunka oo dhan.

Madaxa Kaniisadda Orthodox-ka ayaa ka soo horjeedsaday tallaabadaasi. Sidoo kale dalka Giriiga oo ay ku nool yihiin malaayiin ka tirsan mad’habtaasi masiixiga ee Orthodox ayaa diiddan in dhismahaasi laga dhigo Masaajid.

Wasiirka dhaqanka dalkaasi Giriiga, Lina Mendoni ayaa ku eedeysay Turkiga in uu soo nooleynayo “cunsuriyad ku dhisan wadanniyad iyo dareen diimeed”, waxa ayna ku dooday in xaruntaasi UNESCO aanay cidna wax ka badali karin aan ka ahayn guddiga ka kooban dowladaha kala geddisan ee hay’addaasi.

Balse wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa ku adkeystay in xukuumadda Athens aysan xaq u lahayn arrinta dhismahaasi maadaama uu ku yaal gudaha dalkiisa Turkiga.

istanbul

Agaasime ku xigeenka hay’adda UNESCO, Ernesto Ottone Ramirez, oo wareysi siiyay wargeyska Ta Nea ee dalkasi Giriiga ayaa sheegay in isbadal kastaa oo lagu sameeyo dhismahaasi ay tahay in marka hore ogolaansho laga soo helo guddigaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in hay’addaasi UNESCO ay Turkiga u qortay warqad ku saabsan hindisahaasi, balse ilaa haatan aysan wax jawaab ah ka helin.

Taariikhda dhismahaasi

Dhismahaasi taariikhiga ahi ayaa waxa uu ku yaal degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo ku taal daanta galbeed ee marinka Bosporus.

Dhismahani waxaa in la dhiso amray boqorkii Roomaaniyiinta Justinian 1 sanadkii 532, xilligaasi oo ay xarun u ahayd maamulkii Roomaaniyiinta. Injineerrada dhisay ayaa qalabkii ay dhismahani ku dhiseen waxay ka keeneen meelo kale.

Waxaa la dhameystiray dhismihiisa sanadkii 537, waxa ayna xarun u noqotay wadaadada masiixiyiinta.

istanbul

Dhismahani Hagia Sophia ayaa muddo ku dhow 900 oo sano xarun u ahayd Kaniisadda Orthodox ee Bariga. Balse sanadkii 1453, Suldaankii Cusmaaniyiinta Suldaan Mehmed II ayaa qabsaday magaaladaasi oo horey loo oran jiray Constantinople ka dibna waxa uu u bixiyay magaca Istanbul, waxa uuna sidaasi ku soo afjaray xukunkii maamulkii Roomaaniyiinta.

Markii uu dhismahaasi Hagia Sophia gudaha u galay, Suldaan Mehmed II, waxa uu amar ku bixiyay in dib u habeyn lagu sameeyo isla markaana loo baddalo Masaajid. Halkaasi ayuu ku tukaday salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay ee lagu tukado gudaha dhismahaasi maalmo uun ka dib markii uu qabsaday magaalada.

Farsamayaqaanno ka tirsan Cusmaaniyiinta oo dhismaha ku takhasusay ayaa halkaa ka saaray astaantii Kaniisadda Orthodox, waxa ayna ku dareen manaarad astaan u ah Masaajidkaasi.

Ka hor inta aan la dhameystirin Masaajidka hadda caanka ah ee leh midabka Buluugga, masjidka Hagia Sophia ayaa ahaa masjidka ugu weyn magaaladaasi Istanbul. Injineeradii dhismahaasi u badalay Masaajidka ayaa markii dambe dhisay Masaajidka Buluugga ahi iyo kuwo kale oo badan oo laga dhisay magaaladaasi iyo meelo kale oo ka tirsan caalamka.

Dhamaadkii dagaalkii koowaad ee adduunka ee sanadkii 1918 kadib, boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa la jabiyay oo la kala qeybiyey. Waxaase markiiba soo baxay xoogaggii waddaniyiinta, kuwaasi oo markii dambe dhidibbada u aasay dalka haatan lagu magacaabo Turkiga.

istanbul

Aasaasihii Turkiga iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaasi, Mustafa Kemal Ataturk, ayaa xilligaasi ka dib amray in dhismahaasi Hagia Sophia loo baddalo madxaf. Waxaana tan iyo sanadkii 1935 dhismahaasi uu ahaa midka ugu badan ee loo dalxiis tago dalkaasi Turkiga.

Haddase kooxo Islaamiyiin ah ayaa waxay dalbanayaan in mar kale dhismahaasi laga dhigo Masaajid, waxaana jirtay in mararka qaar ay dibad-baxyo ka dhigaan bannaanka hore ee dhismahaasi.

Madaxweyne Erdogan ayaa isna doonaya arrintaasi, waxaana ololohiisii doorashada ee sanadkii hore uu ku sheegay in ay khalad ahayd in dhismahaasi laga dhigo matxaf. Tan iyo xilligaasina waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu amray in la eego qaabkii dhismahaasi loogu baddali lahaa Masaajid.

Haseyeeshee masiixiyiinta Orthodox ayaa arrintaasi diidan. Mid kamid ah hoggaamiyeyaashooda ayaa sheegay in arrintaasi ay niyad jab ku tahay malaayiin qof oo masiixiyiin ah.

Xigasho: BBC