Muqdisho-Ayaamaha-Monica Juma Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya ayaa sheegtay inay Dano Ganacsi oo shisheeye sii hurinayaan Muranka Xuduud-baddeedka, isla markaana uu jebi doono Iskaashiga Ammaanka, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Haweeneydan ayaa waxay hadalkaasi ka sheegtay  Machadka Difaca iyo Daraasaadka Ammaanka ee Royal United Services Institute (RUSI) ee magaalladda London, waxayna carrabka ku eedeysay inay jiraan Hay’addo Shisheeye oo Gnaacsi oo hurinaya Xiisadda  Kenya iyo Somalia, inkastoo ay ka gaabsatay inay magacowdo Hay’addaha ay eedeynayso.

Waxay sii raacisay inay rumeysan yihiin in Dibadbaxa aadka loo hubo tahay Danaha Ganacsiga ee waxyeeleyn doonta xaalladda dalka tabarta yar , waa sida ay hadalka u dhigtay.

Monica Juma waxay kaloo ku goodisay inay qaadi doonaan tallaabo kasta ee lama huraanka u ah dhaartii Dastuurkooda iyo inuu waajibka ka saaran inay difaacdaan Xuduudaha dhuleed iyo Madax-bannanida Kenya, isla markaana aysan dhiibi doonin taako ka mid ah xuduudkooda.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Kenya waxaa loo doortay Guddoomiyaha Kooxda Isla-xiriirka ee Burcadda ka qowleysata Xeebaha ka baxsan Somalia, waxayna magacaabistaasi ku soo beegantay iyadoo ay Kenya sheeganayso qeyb ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya.

Si kastaba ha ahaatee, Somalia waxay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ u gudbisay dacwad ka dhan ah sheegashadda Kenya ee Baddeenna, waxaana la filayaa in Wareegii ugu dambeeyey ee dhegeysiga Garnaqsiga dacwadaasi  ka bilaaban doonto Xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalladda The Hague ee dalka Holland bisha September 9-da ilaa 13-da ee sannadkan.