Dowladda Kenya ayaa si cad u diiday in aysan Soomaaliya marnaba gacanta u galin doonin qeyb yar oo ka mid ah dhulka ay ku fadhiso xuduudda badda ee lagu muransan yahay.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa galinkii dambe ee maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday mowqifkeeda ku aaddan arrintan ku saabsan muranka badda, iyadoo sheegtay in tallaabadii ay Soomaaliya qaadday ay ahayd mid qallafsan.

“Ma jirto dowlad aan ku wareejineyno taako ka mid ah dhulka ay Kenya leedahay”, ayey tidhi Ambaasadoor Monica Juma.

Wasiirka arimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in Kenya ay wali Soomaaliya ka sugeyso jawaab faahfaahsan oo ku saabsan arrinta Badda, iyadoo dhanka kalena xustay in Kenya ay aad isugu dayeyso iney “isxakameyso”, oo aysan tallaabo xad-dhaaf ah qaadin.

“Dalal ayaa dagaal u galay wax aad uga yar arrintan oo kale”, ayey tidhi Ms Juma.

Monica Juma, oo ka hadleysay shir jaraa’id oo ay warbaahinta u qabatay ayaa hoosta ka xariiqday in ay jiri karto cunaqabateyn ay ku soo rogaan Soomaaliya, taasoo ku xiran hadba sida ay noqoto jawaabta ay xukuumadda Muqdisho ka bixiso sharraxaadda laga dhowrayo.

Xiriirka labada wadan ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray Sabtidii lasoo dhaafay, ka dib markii ay Kenya amar ku bixisay in Safiirkii Soomaaliya ee Nairobi ku sugnaa uu dib ugu laabto Muqdisho, iyadoo sidoo kalena u yeeratay danjiraheedii Soomaaliya fadhiyay.