Muqdisho-Ayaamaha-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay magaca iyo qabiilka Ninka AL-shabaab u qaabilsan weerarrada ka dhanka ah Ciidamadeeda ka howlgala Sohdinta Soomaaliya.

Ciidanka Kenya ayaa sheegay in Cabdullahi Banati oo ah Soomaali, kana soo jeeda Qabiilka Gaaljecel uu yahay Ninka AL-shabaab mas’uulka uga ah weerarrada ay Ciidamadooda kala kulmaan Gobolka Soomaalida.

Booliska waxa ay sheegeen in Cabdullaahi Banati uu hoggaaminaayay weerar horaantii bishaan ka dhacay degaanka Dhamajaale ee duleedka Libooyo , waxaana weerarkaasi lagu dilay 11 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya oo halkaas ka waday howlgal amni sugid ah.

Jimcihii shalay Ciidamada Kenya ayaa howlgal ka fuliyay sohdinta Soomaaliya iyaga oo raadinayay kooxda ka tirsan Al-shabaab ee uu hoggaamiyo Cabdullahi Banati.

Ciidanka Booliska waxaa ay dadka Gobolka Soomaalida ku nool ka codsadeen in ay ka qeybqaataan howlgalka Ninkaas iyo kooxdiisa lagu soo qabanayo islamarkaana xogta la xiriirta ku hagaajiyaan Magaalada Gaarisa oo laga furay xafiis ay dadka xogaha AL-shabaab la wadaagi karaan.