Nairobi-(Ayaamaha)- Laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ganacsi ee ka jiray xuduudda Soomaaliy iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ku dhowaaqday in ay gebi ahaanba xirtay ganacsigii ugu imanayay Soomaaliya, waxanay sheegtay in ay ganaax muteysan doonto Shatiyadana laga qaadi doono Qofkii jebiya awaamiirta kasoo baxday laamaha ammaanka.

Goobaha ay sida gaarka ah loogu soo rogay cuna qabataynta ayaa waxaa ka mid ah degaannada Laamu, Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, oo ah goobaha ay Soomaalida ku badan tahay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Lamu, Mr Muchangi Kioi , ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay xuduudda u furnaan doonto oo kaliya Saraakiisha amniga ee Kenya.

Dadka ku nool degaan Xeebeedka Lamu ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay wax ganacsi ah la sameeyaan Soomaaliya oo ay ood wadaag dhow yihiin.

Dadka badeecadaha ku  iibiya xadka Labada Dal ayaa la amray in aysan Alaabada iyo waxyaabaha kale kala iman Karin dhinaca Soomaaliya, ciddii isku daydana ay muteysan doonto ciqaab adag.

Kenya ayaa in dhowaalaba wadday cadaadis ka dhan ah muwaaddiniinta Soomaaliyeed, taas oo la sheegay in ay kaga jawaabeyso dacwadda muranka Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya, taas oo haatan ka furan Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague.